Make your own free website on Tripod.com

jaceylkamaanta

Home
hal kaan kaba ro taarqda soomaliya
Favorite Links
Contact Me
Family Photo Album
My Pets
Vacation Photo Album
My Resume
New Page Title

Welcome!

ugu horeen waad salaaman tihiin dhamaan willasha sanad kaan iyo gabdha ha sanad kaan waxan jace lahay hal kaan in aan idin ku soo ban dhi go jaceylka sanad kaan ka jira caalamka

WAA MAXAY JACEYL iyo aa


Waa su’aal aadmigu ku soo noqnoqoto, markuu ruux weliba wax dareemo ama iftiin cishqi u ifo, sideeba jaceyl waxaa lagu tilmaamo dhawr waxyeeladood oo markaas ruuxa wax jaceli u sahlo inuu u adeegsado tilmaantaas. Marka laga faallooda jaceyl waxaa dhacda dood hor leh oo aan xal loo helin, inta badan dad baa waxay aaminsan yihiin amaba ku qanacsan yihiin inuu jaceyl yahay laba qafood ama lamaano cishqi isla wadaagay, ruuxba ruuxa kale noloshiisa ku qanacsan tahay, oo uu hayo hami joogta, dareen xad dhaaf ah iyo fir-fircooni hor leh uu dareemo markuu ruuxaas arko, islana wadagaan boogta xanuuneyso una baahan bogsiimo.

Culimada cilmi nafsigu waa ay isku khilaafsan yihiin, hase yeeshee mid ayaa laysku raacay taaso ah inuu qofka la jacel yahay ugu qaalisan yahay dadka intiisa kale. Taasi waxay ku tusaysaa in ruuxa wax jaceli uu u qaalisan tahay naftiisa mida uu jacel. Kolkuu arageeda waayana ay ku abuurmayso murugo, tabar dari iyo wel-wel hor leh.

Jaceylka aan ruuxna kula wadaagin ee goonida ah waa mid iyada/isaga u horseeda murugo, cidla, dareen la’aan iyo dad naceyb. Waxaa ruuxaas ku beerma colaad joogta oo u hayo lamaano weliba. Wuxuu wax ka sheegaa wiil iyo gabar weliba oo isla socda, wuxuuna ku tilmaama erayada kuwa ugu xun-xun. Wuxuu ka war hayaa labada maanta isbaratay oo noloshooda isbedel saameysay. Wuxuu saxiibadiisa ku nacaa markay ka hadlaan kalgacalkooda, sheekooyinka noocaas ah uma dhadhanto aad u karaahiyeystaa.

Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona.

Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha waa cusub oo tirsiigu yahay maalintey isbarteen inuu korodhay. Waxayna mar weliba is xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshtay weji cusub oo hor leh. Hadaba si kastaba ha ahaato, jaceylka oo soo laab-laabto waa mid ku dhisan aas-aas xoog leh, kaaso weligiisna noqdo mid isu keeno laba cid aan hashiis ka dhaxeyna, colaadna weligood dhextiil, reer cusub ka dhasha. Jaceyl ma’ahan oo qura wiil iyo gabar oo is jeclaaday, mar-mar qaarkood wuxuu kaalin lixaad leh ka qaataa laba cid amaba ummadd aad isku af iyo dhaqan ahayn ayuu isu keenaa.

Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogadaa, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jirkaada. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba. Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan. Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaruu leeyahay jaceyl. Si aad naftaada u badbaasid waa inaad iska yareysaa feker joogta ah, nafsadaana mashquul ka dhigtaa adigoo ka shaqeeya xubnaha jirkaada aadana meelaha lagu jimicsado, amaba haddii aad heli kartid ruuxaad caashaqtayna waa inaad u soo bandhigtaa dareenkaaga, waa haddii aad isku meel ku nooshiinba, kana fogow aflaanta jaceylka daawashooda. Waayo qofka wax jecli waa u hiyikacaa waxaana ku saa’ida caleeya dhadhanka boholyowga badani ku mataansan yahay ee soo wajaha nolashiisa. Nolasha sidaas ah ee dareenka xun leh wuxuu ruuxa ku jiraa in mudda ah. Wayna adagtahay, mana sahlano sidii uu ku fahmi lahaa inuu illaahay durdurka jaceylka ka siin karo meel kale.

Maskaxdiisa waxay u shaqeysee si kale kaaso ka dhex guuxaya rajo xun iyo burburka dhaawacay noloshiisa ee la soo daristay amaan xumi. Haddaba aan iraahdo jaceylku wax aan sahleyn, qaasatan dadkeena sida sahlan u isticmaalaan oo ah waxashnimo oo fool xun, iyadoo wiil iyo gabar erayga jaceyl u isticmaala si yaroo fudud, isagoo/iyadoo doonaya inuu dano gaar ah u ku fushida. Ha ku oran ruux aadan jaceyl u haynin waan ku jeclahay, si aad niyada ugu dhisto

People shouting at the world over megaphones; Size=240 pixels wide

tell:2521-659877
 

Here I might add an entry whenever I make an update to my web site. Where appropriate, I'll include a link to the change. For example:

11/1/01 - Added new photos to Vacation Album page.

Please get in touch with any comments or reactions to my site.